Gabayga Gudban Gaalo Leged waxaa tiriyay Sayid Maxamed Cabdule Xasan
Awel maanso waataan gudboo guriyey waayaaye Waataan galbeedkaas u diray guga hortiisiiye
Aan gaasheeyo tii xalay hurdada gamaa ii diidday Galladaha Ilaahay ka badan geedahaas baxaye
Guushuu inoo yeelay baan idin garwaaqsiine Guddiyey i maqal waxaa tihiin gacaladaydiiye
Najiska gurta xumaa hadduu shalayto geeryooday Godka lagu cadaabkii haddaan gowrac ugu jiiday
Uu guduri cunay waa waxay galabsanaayeene Dhurwaagii ka giigaan u diri gacan salaameede
Isagay gargaaroo dugaag iiga gooniyahe Haddaan garan gunaan siin lahaa gooriyo ayaane
waa taariikh fiican
thanks cakaaranews video yada soo badiya
Abufaas 2 years ago