Asayda by Hussien Shirre

Loading...

Sign in or sign up now!
Alert icon
Upgrade to the latest Flash Player for improved playback performance. Upgrade now or more info.
27,137
Loading...
Alert icon
Sign in or sign up now!
Alert icon

Uploaded by on Aug 8, 2010

http://www.banadir24.com http://www.bclub19.com

Hussein Shire Ciyaar Jacel

Ololaha Hangasho iyo Aamina Muuse.
By: Afaaro


Banadir24: London- Aamino Muuse Weheliye oo ah Saxafiyad Caan ah ayaa ku soo bandhigtay galbeedka magaalada London qorshe ay ugu magacdartay ''Ololaha Hangasho'' kaasi oo ay ka soo qaybgaleen saxfiyiin ,Abwaano iyo aqoonyahano Soomaaliyeed.

Aamino Muuse ayaa xirnayd dharka cad cad ee asaayda loo yaqaano ee ay dumarku xirtaan marka ay ragoodu ka dhintaan hase ahaatee macnaha ay asaayda u soo xiratay ma ahayn kaas ee waxaa uu ahaa mid ay ugu qiiroonaysay dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee ka taagan dalka Soomaaliya .

''Maanta waxaa halkaan ama wadanka Britain iigu buuxsamay toban sano waxaana aan ka murugaysanahay dhibaatada haysata dalkeeyga iyo dalkeeyga ,waxaan ahay saxafiyad marwalba dhagaheeda ay ku soo dhacayaan dhimashada ,Dhaawaca ,barakicinta iyo Bur burka loo gaysanayo dalkeeyga iyo dadkeeyga ayay Tiri Aamino Muuse oo ay garba taagnaayeen hable kale oo xirnaa dharka cad cad ee loo yaqaano asaayda kuwaasi oo isugu jiray saxfiyiin iyo Abwaaniin da' yar.

Wixii intaasi kadanbeeyay aamino waa ay is hayn kari weysay waxaana indhaheeda soo buuxiyay ilmo taasi oo ay qadar daqiiqado ah dhul ka u jiiftay , waxaana saxafiyiintii iyo ka soo qaybgalayaashii munaasabadu ay la ilmeeyeen aamino iyaga markaasi garbagalay si ay ilmada uga tiraan, balse waxyar ka dib ayay markale aamino Muuse Masraxa Soo fuushay oo ay halkeedii ka siiwadatay khudbadeedii Muragada xanbaarsanayd.

Ololaha hangasho ee ay asaayda ku qaadayaan dumarka Soomaaliyeed ee ay soo bandhigtay Aamino muuse ayaa ah mid aan wax shaqo ah ku lahayn mihnadeeda shaqo ee ay ka hayso idaacada BBC da taasi oo ay ka horsheegtay ka soo qaybgalkayaasha balse waxaa ay tilmaantay in uu yahay dareen ku dhashay oo ay u soo bandhigtay Umadda Soomalaiyeed.

Maryan Saylac oo iyaduna ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed eek u nool wadanka Ingiriiska islamarkaana xirnayd marada cad ee ay Soomaalidu u taqaano asaayda ayaa ka hadashay sababaha ay go aanka ula qaadatay Aamino Muuse oo ay ugu biirtay Ololaha loogu mkagacdaray Hangasho iyadoo markaasina soo bndhigtay qorshaha ama nidaamka uu xanbaarsanyahay ololahooda.

Gabar kamid ah hablaha aadka u dad a yar kuna barbaartay wadamada Yurub oo markaasi xirnayd dhar madoow halka hablaha kale ay ka xirnaayeen maryaha cad cad ayaa sheegtay in aanay aqoonin oo aanay arag wax asaay xiran balse ay uga qayb qaadanayso Oloha dareenka xanbaarsan ee loogu murugoonayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed tixgabay ah oo ay ugu magacdartay Qaraabooy qalad maan ku dhaqaaqay.

Ololahaan dareenka xanbaarsan ee ay Soo bandhigeen hablaha saxfiyiinta ah ee ay hormuudka u ahay Aamino Muuse weheliye ayaa waxaa iyaguna ka hadlay fanaanin iyo Abwaaniin si weyn looga yaqaano Soomaaliya kuwaasi oo gabaydii ay tirninayeen ka ilmaysiiyay ka sooqaybgalayaasha iyadoo jawigu ahaa mid siweyn u badalay dareenka kuwii ka hadlay iyo dhagaystayaashii munaasabada loogu magacdaray Ololaha hangasha.

''Soomaalida waxaa la gudboon in ay garato dhibaatadeeda gaar ahaan raga Soomaalidu waa ay noqdaan kuwa u naxa dadkooda kuna waaana qaata dhibaatada shacbkooda ku haysata gudaha iyo dibada ayuu Yiri fanaanka Soomaaliyeed ee Gaadaco '' oo ku tilmaamay barnaamijka ay habluhu ku soo bandhigeen Munaasabada mid mudan in lagu waano qaato.

Dagaalada iyo colaadaha aan dhamaadka lahayn ee ka taagan dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ka qayb qaadanayaan isbadal ku yimaada dhinaca dhaqanka iyo diinta ee dhalaanka Soomaaliyeed eek u bar baaraya dibadaha gaar ahaan wadamada reer galbeedka taasi oo ku khasbaysa Soomaalida kunool dibadaha in ay la yimaadaan dareen lamid ah kan ay Soobandhigtay Aamino Muuse sidas waxaa yiri Abwaan Siciid Shiikh Ilka Jiir oo munaasbada ug qayb qaadanaya gabay iyo guubaabo mudan in lagu tusaale qaato.

Si kastaba arrintu ha ahaatee mushkilada xalkeedu fogaaday ee ka taagan Soomaaliya ayay dad badani u arkaan in lagaaray xiligii ay shacabku u midoobi lahaayeen islamrkaana ay ka qaadan lahayaeen Go aan kama danbays ah maadaama aanay jirin cid ka danqanaysa dhiiga iyo ilmada labaatan sano jirsaday ee ka day aysa oogada iyo indhaha maatida Soomaaliyeed ee lagu gumaadayo gudaha iyo dibadda.

  • likes, 2 dislikes

Link to this comment:

Share to:
see all

All Comments (11)

Sign In or Sign Up now to post a comment!
  • nin soomaa;liyeed haduu nool yahay iyo hadii kale waxba kuma tari lahayn maxaa yeelay waa nin soomaali

  • Caadi maahan abwaankaan iyo heestaba.........Xuseen mansha allah quruxloow baad tahay allaha ku daystee

  • masha allah xuseen shire waa fanaan qaran waa fanaan wadani waa fanaan damqanaya allow inoo daa xuseen shire nooloow sxboow haka daalin ilaa aad ifka ka tageeysid

  • walaal waa runta somalidii 99.9 handcaps qabil iyo qurun baa ku wada qufulan halki fiyoobane waa laga awod batay so their is no solution for ever illah baa noo maqan

  • masha alaah ilaah hanoo daysto waa fanaan qaran ilaah nagama uu qaado

  • xuseen ciyaar jecel bro maashaa allah wac yigilinta ha kadaalin i hope heesahaada in dad badan wax ku fahmaan lol murug badanaaa heesta shhhhhhhh

  • wadani,halyey,daljir,naftii hure,somali dhab ah ayaad tahay XUSEEN SHIRE,ilma xalaal ayaad tahay aabahaa shire jaamac macallinkayga ayuu ahaa tababarkaygoo XALANE,allaha u naxariisto sidaas ayuu somalinimada ku ahaa,kor allaha idinka yeelo ilmo shire jaamac AAMIIN.

  • fanaan xuseen shire aad ayaan ula dhacay heestaan macaan ee aan laga daaleen dhageysi geeda aad ayaan ugu bogay fanaan sida aan dhamaan heesa haada mac macaan aan uga helo waad mahadsan tahay fanaan heesahaada waa heesaha sanadyadaan danbe aad iyo aad umada soomaaliyeed u jeclees teen

    ilaah cod kaada macaan hanoo kaa daayo

    aamina muuse waxa ku kalifay in aay xirato maahan wax sahlan adna in aad heestaan ka alifto waa sabab aan anaguna u dareenay

    marka fanaan halkaas kahaay

  • Maan-shalah. Amina waxad nooqatay hoor mood uumadada. Fananainat heesatan samayan well done,

    By Khadar Dirir

  • war ilmaadeeryaal billah calaykum waxani wax loo dulqaadan karo maahee sidan si isu dhaama oo dadka ka daaya dhibka, run ahaantii anigu wxn ahay nin S/LANDER ah, dhibka iyo xanuunka haysta walahayga rer somalia na wallahi waan dareemi karaa dhibka uu leeyahay, ad na wan uga xumahay aniga iyo umada rer S/LAND ba, insha allah ilahay wu idinka dul qadi dhibka, idinkuna dedaala walayaal, anaguna insha allah hiil iyo hooba wixi an idiin tari karo wan idiin qaban doonaa. wabillahi tawfiiq

Loading...

Alert icon
0 / 00Unsaved Playlist Return to active list
    1. Your queue is empty. Add videos to your queue using this button:
      or sign in to load a different list.
    Loading...Loading...Saving...
    • Clear all videos from this list
    • Learn more