Waa hees kale oo cusub oo magaceeda la yiraahdo SII DAAYA LAMAANAHA ( RELEASE THE COUPLE). Waa heees looga codsanayo nimanka qafaalashada ku haysta lamaanaha Ingiriiska oo lagu haysto xeebaha Soomaliya in ay sii daayaan. Heestu waxey taabaneysaa meelo faro badan:Dagaalada sokeeye; qaxa dadku wali qaxayo; soomaalida sida loogu soo dhaweeyay carriga qarbiga; Diintooda iyo dhaqankooda in aan lagu faragalin; dadka dhulkooda iyo dadkooda nabagelino; Difaac qaran inay tahay la dagaalanka doomaha shisheeye ee sunta baddeena ku daadsha; In la nabadgelayo doomaha iyo dadka si sharci ah ku maraya xeebaha Soomaliya; iyo ugu dambeyntii in la sii daayo lamaanaha( Paul iyo Rachael Chandler), maadaama ay tolkoodu annagaba si fiican noogu soo dhaweeyeen dalkooda abaal weyna nagu leeyihiin. Mu'alafika heestan, Cabdi Shire Jaamac (ciyaarjecel), oo ah ninkii heestii QAYLODHAAN tiriyay wuxuu dadka heestaan dhageysan doona ka codsanayaa in wax aflagaado ah aysan isku dhaafsan halkaan. Haddii ay dhaliilo jiraan si toos ah ha ula xiriiraan Cabdi Shire oo emaylkiisu yahay: shire74@hotmail.com
Heesta
DAGAALKII SOKEEYAHA
DIBINDAABYADIISIYO
WALI DIIFTII MAY HARIN
DADKII WEY QAXEENOO
QAARBAA DAGAAGII
DIYAARADA RAACOO
CARRO GAALO SII DAGAY
DIIR NOOMA EEGINE
AADANIMO DARAADEED
BEY NOO DARYEELEEN
DIB U BILOWNAY NOLOSHII
DIINTEENA MUDAN IYO
DUGSIYADA QURAANKANA
CIDU NOOMA DIIDOO
WAA LOO DAREERAA
DAMEERKAAN AXSAAN FALIN
KALA GARAN DARIIQYADA
DAW WUXUU U LEEYAHAY
UMUSHAA DORAAD IYO
SHALAY DAMAQII SOO MARAY
DEG DEG UGU ILOWDEE
SIDEEBAAN DADKAAS WACAN
DAARAHOOD U DUMINAA
DARISKOOD U DIIDNAA
DOOFAAR UGU NIRAAHNAA
OGOW DULUCDA HEESTAAN
WAXAAN UGA DAN LEEYAHAY
DOOMAHA SHISHEEYEE
DOOXATADA KU YIMIDEE
KALLUUN KEEN DANGIIGIYO
DALDALAAYA XOOLAHA
SUNTA AY KU DAADSHAAN
BADEENA AY KU DAADSHAAN
WAA IN LALA DAGAALAA
KULIGEEN LA DIRINAA
DIFAAC QARANA WEEYAA
WAXA NAGA DARDAARANA
DAMBI RUUXAAN KAA GALIN
OO DALXIIS KU JIRA OO
DAWAAFAAYA BADAHAAS
DAMAC INAANU KAA GELIN
RABAA DEEQA BIXIYOO
IDIIN DOOJINAAYEE
AAN IDIIN DUCEYNEE
SII DAAYA LAMAANAHA
RACHAEL IYO DUQEEDABA
PAUL IYO DUQDIISABA
ABAAL DURUGSAN BAA JIRA
DADKOODA AAN U HEYNEE
SII DAAYA LAMAANAHA
AAN IDIIN DUCEYNEE
ilma cumar yare heesaha qaranka somaliyeedba laguma arkee maxay ugu heesayaan kuwan lagu haysto somaliya ee BRITISHKA AH.
ma diidani in dadkaa la haysto lasii daayo, lakin waxaan diiday JOOQLE heeso badan ayuu u sameeyay QARIXII SHAMOW, markaa maxay uga mid noqon waayeen fanaaniintii ku muujiyayy sugaanta siday uga xun yihiin qaraxaa.
MrDangarad 1 year ago
@MrDangarad
Jawaabtaas waxaa laga sugayaa abwaanka heesta tiriyay, balse ogantey lama weydiistan in ay heestii shaamow wax ka qaadaan. Waxaa leeyaahay ilma cumar yare mahadsanidin maxaa yeelay heestaan si aad u wanaagsan oo isbiirit ku jiro ayey u qadayaan.
ls827 1 year ago