Shirkada Wadani Stars oo kaashanaysa Jarar Film Productions ayaa sameeyay Filimkii u horeeyay ee casri ah ee lagu sameeyo Degaanka Soomaalida. Filimkan oo lagu duubay qalab casri ah waxaa lagu farsameeyay hanaan casri ah oo la tartamaya duubista aflaamta casriga ah ee Hollywood. Filimkan waxaa jilaya jilayaal u dhashay Degaanka Soomaalida, waana markii u horaysay ee wax-soo-saar dhinaca fanka muuqaalka ah ay sameeyaan dad u dhashay Degaanka Soomaalida iyada oo aanu ku jirin wax taakulo ah oo iyaga ka baxsan.
Filimkan oo loogu magac-daray "Yaa Ina Sheegayoo, Inaga Sheekeeyay", wuxuu ku saabsan yahay dhawr sheeko oo isku dhafan iskuna xidhan oo midba mida kale saamayn ku leedahay. Filimku wuxuu ka hadlayaa xaalada dhabta ah ee ka jira Degaanka Soomaalida haday noqon lahayd dhinaca amniga, saboolnimada, dedaalka horumarka, xoolo-dhaqatada, dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale ee haysta bulshada ku dhaqan Degaanka Soomaalida.
Filimkan waa filim si madax-banaan loo sameeyay iyadoo la muujinayo dhibaatada ay dadku kala kulmaan kooxaha ku herdama Degaanka Soomaalida. Filimkan oo lagu rajo-waynyahay inuu suuqyada soo galo Jiilaalka inagu soo fool leh, wuxuu bilow fiican u noqonayaa horumarka dhinaca fanka iyo jiliista ee Degaanka Soomaalida.
Si kastaba ha ahaatee, khabiiro ku takhasusay fanka muuqaalka iyoduubista aflaamta oo daawaday hor-dhicii filimkan ayaa ku tilmaamay in Degaanka Soomaalidu uu ku socdo inuu noqdo ka ugu horeeya Geeska Afrika ee ku horumarsan duubista aflaamta. Filimkan waxaa lagu duubay goob tuulada Cobole u jirta 13 Km oo ay bulshadu haatan ugu yeedhaan Dhagax-Wood, iyagoo ku halqabsanaya "Hollywood).
very funny
mensur112 2 years ago
lame!
siish 2 years ago
Bal filimka soo geliya saabcaarada si aannu u daawanno, lana garto danta looga leeyahay...Soomaali inay midoowdo, hal qaran noqotana waa wax neefta aadmiga u dhinganto oo kale. Raggii u halgamay in ummaddooda ay gob noqoto waxaad ka wada dhigteen tuugo iyo kuwo wax kufsado. Waana wax raqiis ah oo runtu ka fog tahay...Intaas kaddib, waxaad ku faanteen in tayada farsamo filimku aad u sarreyo, taasna waax wax lala yaabo. Qaabka sheekada, oo aan ka soo horjeedo, ayaa tixgelin leh.
XasanBurhaan 2 years ago
kkkkkkkk gabadha iga aamuseya og
bursaalax100 2 years ago
kkkkkkkkkk
bursaalax100 2 years ago
kkkkk onlf bay ku lee yihiin ayagiiba iscunaya ee maxay wax qab sadaan kuwo akon heesihiisii bay dha gaysanayaa kuwana badeecad kuwana dhari yio dhaan bay xoogayaan kuwana gabdhihii bay xoogayaan marka see onlf isku raacdaa ayagiibaa iscunayee marka somaliween is kala baxa halidin caa wiyee ileen waa lawada dageeye gabadha codkeedaa idilay ala yaa c/dile taloo gahy
bursaalax100 2 years ago
nimanka ree isaaqe xabada shafka u dhigtay kkkk abahin allashid kuwani maxay walanyihiin kk
doctorfull 2 years ago
marka kobad Ramadan karim.
marka xigta waan aad uga xumahay Video gan dhaqan xumada fidnaya in meelahan oo kale lala yimaado, amaba la daawado.
Nabad galiyo diidku waacadaw laakiin waxaa is waydiin leh wa ayo nabad diidku ??
ONLF cidii nici xaq ayada ayaa uleh inay nacdo laakiin dhaqankeena in meel lagaga dhaco ma aha.
Rajokunool 2 years ago
dabaqoodhi film . aabihiin iyo tigree, onlf guul, mar aan fogeen baan sharciga ni i soo taagi, ogadenia weey xorowi insha allah , onlf guul gobonimo , isk tashi , mintid ,
thugplayer12 2 years ago
kkk walahay gabadhaan qayilaysa caadi mahan kkkk
doctorfull 2 years ago