http://www.somalilandpower.com
Maxamed Cabdulle Cali (Gammuute)
Gammute gabaygiisan soo socda waxa ragga suugaanta ku xeeldheeri ku tilmaamaan inuu yahay gabay geel loo marsho kii ugu qiimaha badnaa.
Abaar xun baa dhacday markaasaa Gammute geelii u dhaadhiciyey Guban iyo dhul aanu weligiis arag.
Nin ay walaala ahaayeen oo Cabdi la odhan jirey baa yidhi "War geeli aan had qabadsiino Gaadlayaal baa roobku soo joogaaye".
Gammuute oo geel dhaqashadiis ka niyad jabay ka dib markii gaalku gelelefo ee goor walba qabto ayaa marshey tixdan oo uu leeyahay "Gaadlayaal maxaa iiga dan ah inaan lacag dhaafsado ayaabaan maanka ku hayaaye". Wuxu noqday gabay Xeeldheer oo Abwaanku suugaanta geela kaalinta koowaad uga galay.
Cabdiyoow gugayguna ma yara guunna waan ahaye
Hadaad talada igu gawdhiseen hayska geedido'e
Dadkoo gama'san gaadh Faranje iyo galawga moyaane
Bal garwaaqso xalay baan guntaday galin dhexadkiiye
Gooraan ninkii dhaqayba waw guul daro iyo ciile
Haddaan Guulle ii soo kaxayn Guban ma taageene
Gabangoobbi guri xaalfa iyo Gol uma daayeene
Waakaa guduudkii ka ba'ay goobadii shuqule
Gadhfeedh iyo Madheedkii Dannod Gawlalliyo Caado
Gaaraabidhaanle iyo intaa godod u sii jeeda
Halka Yicibta laga soo guriyo Gubadki Qaansoole
Gorgor iyo Garboole oo degmadu geedi ku ahaatay
Wax dheexaad diraac gamashigeed geediyaal raraye
Gabri iyo intaan Tuur-Wareen guudka uga meersho
Gadaal baan ku soo furi lahaa goosay meel badane
Garwaanlaana waw daban lahaa Good anoo wada'e
Dhaaxaan Diraac gamashigeed geeddiyaal raraye
Gartallawga waataan wax badan daba galluubnaaye
Sidii Gorayadii Riinji iyo Garane daaqaysay
Waataaan biyaha uga go'ay ee geeri lay filaye
Markuu kabaha gaadhkooda sare guudka ka idlaaday
Gondahayga Jiiq iyo ka guray Gocondho shaydaane
Kolkay Ayda soo wada gashee gobolba meel aaday.
we are all somali right! cayda iska daaya
SomalilandPower 4 weeks ago