Wargalin iyo Ogeysiis
Kooxda qaylodhaan, Qaar ka mida fanaaniinta qaranka iyo Haweenka
Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda London, waxey ugu bishaareynayaan
dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London iyo nawaaxigeeda, in ay
qaban doonaan xaflad lagu maamuusayo 50 guuraddii xoriyaddii Soomaaliya.
Xafladaas oo ka koobnaan doonta hadal iyo heeso, waxey fanaaniintu idin ka
ballaan qaadayaan in ay maqsuud idin ka dhigi doonaan habeenkaas aadka ugu
weyn Ummadda Soomaaliyeed, iyagoo qaadaya heeso cusub oo munaasabada loogu talagalay iyo heesihii wanaagsanaa ee aad horay uga barateen.
Su'aasha aad isweydiineysaan waxey tahay: Goormaa la dhigayaa?; Meeshee iyo imisaa ayaa lagu galayaa?
Xafladda waxaa la qaban doonaa, hadduu Alle idmo, labada bisha July ( 2/7/2010)
oo ku beegan maalinta Jimcaha ee sannadkaan, saacaddu markey tahay 6da pm ilaa 1da habeenimo(ama subaxnimo).
Waxaa lagu qaban doonaa: Irish cultural and Community Centre, Pretoria Centre,
Tottenham, London N17 8DX.
Jooqle oo ah iskuduwaha barnaamijkaan, wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu
bishaareynayaa in ay dadweynuhu lacag la'aan ku soo galayaan ama bilaash.
Balse hal shuruuda ayaa dabataal, qofkii doonaya in uu ka soo qaybgalo
munaasabadda waxaa laga codsanayaa in uu taleefoon u soo diro gudiga
qabanqaabada ka hor inta uusan imaan xafladda. Taleefoonada gudiga
qabanqaabada waa kuwaan: 07944182944 iyo 07940356377 .
Sidaas iyo sannad guuro wanaagsan.
aadan ugu farxsanahay in aadka soo qebgalo xalfadaan illah xal ha u keeno xal soomaaliya
laamiya1 8 months ago
this song makes me cry wallahi such a sad song :(
BaybeeAngel112 1 year ago
aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay in aan xafladaas ka soo qeeb galno
konton guuradii ka soo wareeg tay markii xoriyada soomaliya ka qaadatay gumestihii aad ayaad ugu mahadsan tihiin fanaaninta qeylo dhaan
taariikhda lama arag fanaaniin soomaliyeed oo calanka somali sidaas iyo si lamid ah ugu dabaal dago hadaba fanaaninta qeylo dhaan baal dahab ah ayaad kaga jirtaan taa riikhada somaliya
dhaadeey1 1 year ago