About Ururka Aftahan ee dhaqanka, afka iyo suugaanta
Waa rug lagu weeleeyey kayd ahaan xog badan oo ku taxmaysa dhaqanka, afka iyo suugaanta soomaalida oo si hufan loo soo bandhigay cillad la'aan. Dib-u-habayntan Aftahan.Org
Ururka Aftahan (aftahan organisation) waxa la aasaasay horraantii 2001-dii, isagoo ku hawl geli jirey darka ama mareegta internetka ee www.aftahan.com. Darkaas oo ku hawlannaa, akhristayaashiisana ku soora dhuuxa iyo nuxurka macaan ee suugaanta, dhaqanka iyo afsoomaaliga ayaa waxa uu haatan u xuub-siibtey urur dhaqameedkan AFTAHAN iyadoo sannadkan 2004 si rasmi ahna loo sharciyeeyey.