About this user
Dagaalo la isku adeegsanayo hubka Nuucyadiisa kala duwan oo u dhexeeya xoogaga Al shabaab iyo Ahlu Suna Wal Jameeca ayaa goordhow ka biloowaday deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dagaalkani oo xiligan ka soconaya tuulada Gaban oo ka tirsan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud kaasi oo u dhexeeya Xoogaga Al shabaab ee halkasi gacanta ku haya iyo Ahlu Suna Wal Jameeca oo deegaankaasi ku xoogan.
Dagaalka ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay dadka reer miyiga ah ee halkaasi ku nool kuwaasi oo isaga barakacay deegaanadooda iyagoo ka baqdin qaba in dhibaato ay ka soo gaarto.
Dagaal sidan oo kale ah oo u dhexeeya Al shabaab iyo Ahlu Suna Wal Jameeca ayaa waxaa uu dhawaan ka dhacay degmada Guri Ceel ee gobolkaasi waloow labada dhinac ay ay iska dafireen in dagaalkaasi uu u dhexeeyay.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaaladaasi kala soco Shabelle.net hadii uu illaah inoo saamaxo.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageyso wararka 8:00-Subaxnimo maalin walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
Hometown
BeledWeyne
Country
Somalia